Garissa oo laga xaqiijiyay labo xaaladood oo cusub

Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in laba ka mid ah 259-ka xaaladood ee hor leh ee coronavirus oo maanta la shaaciyay laga xaqiijiyay magaalada Garissa.
Nairobi waxaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga diiwaangeliyay 127 xaaladood , Mombasa, (39), Kiambu, (22), Machakos, (16), Busia (11), Makueni, (9), Nakuru, (9), Uasin Gishu, (9), Kilifi, (5), Kajiado, (3), Kisumu, (2), Lamu, (2) Marsabit, (2) iyo Kwale oo (1) kiis ah.
Deegaannada marka la eego ismaamulka Nairobi deegaanka Westlands waxaa laga xaqiijiyay (31), Waqootiga Dagoretti (22), Makadara, (12), bariga Embakasi iyo Langata min (11) kiis, Starehe, (7), Roysambu, (6), Kasarani, (5), Koonfurta Embakasi ,Kamukunji iyo Kibra min (4) kiis ah , galbeedka Embakasi (3), bartamaha Embakasi , waqooyiga Embakasi iyo Mathare min (2) kiis halka Koonfurta Dagoretti laga diiwaangeliyay hal kiis.
Dowlad deegaanka Mombasa 39-ka kiis waxay isugu jiraan Likoni, (13), Mvita, (8), Changamwe, (7), Jomvu (6), Nyali, (4) iyo Kisauni oo hal ah.
Kiambu,22-ka xaaladood ee maanta laga sheegay waxaa laga kala xaqiijiyay Thika, (8), Kiambaa, (6), magaalada Kiambu (4), Juja, Kabete, Lari iyo Ruiru oo min hal kiis ah.
Ismaamulka Machakos, 16-ka xaaladood waxaa lagu kala arkay Athi River, (15) iyo magaalada Machakos oo hal kiis ah.
Dowlad deegaanka Busia 11-ka xaaladood waxaa laga helay deegaanka waqooyiga Teso.
Ismaamulka Makueni waa (9) xaaladood oo isugu jiro 7 laga helay galbeedka Kibwezi iyo laba ah bariga deegaankaas.
Nakuru maanta waxaa la shaaciyay (9) xaaladood oo cusub waxayna kala yihiin Naivasha oo (4) ah, bariga Nakuru (3) iyo Rongai oo (2) ah.
Labada kiis ee Marsabit waxaa laga xaqiijiyay Saku halka xaaladda Kwale, laga diiwaangeliyay Msambweni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here