Garsoore maanta lagu xiray Nairobi

Garsoore lagu magacaabo Sankale Ole Kantai ayaa maanta lagu xiray caasimada dalka ee Nairobiisagoona la geeyay xarunta dambi baarista ee dalka.
garsoore Kantai ayaa ka mid ahaa dhawr garsoorayaal ah oo saamaysay isku dhandheyn garsoorayaasha lagu sameeyay bishii febraayo ee sanadkii 2019-kii.
Mr Kantai ayaa laga soo wareejiyay ismaamulka Nyeri isagoona loo soo wareejiyay Nairobi.
ila iyo hadda ma cadda sababaha loo xiray balse waxa su’aalo lagu weydinaya xarunta dambi baarista ee dalka DCI-da
Dhanka kale Sarkaal hore uga tirsanaan jiray ciidamada difaaca dalka oo loo haysto dilka xaaskiisa iyo laba carruur ah ayaa maanta maxkamada waxaa ay u diiday inay ku sii dayso lacag damaanaad ah sababo la xariirta marqaatiyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here