Garsoorka dalka oo caddeeyay in guddiga EACC uunan qaabilsanayn dacwad soo oogidda

Waaxda garsoorka ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku caddeeysay inuunan jirin go’aan maxkamadeed oo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC awood u siiyay inuu sameeyo dacwad soo oogid.
Tani ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah warbaahinta wadanka ay tabiyeen in maxkamadda racfaanka ay go’aankan soo saartay.
Bayaanka waaxda uu hoggaamiyo madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga waxaa ku xusan in waaxda (ODPP) keliya ay awood dastuuri u leedahay arrimaha dacwad oogidda.
Waxaa sido kale bayaanka lagu sheegay inaynan jirin maxkamad awood u leh inay baal-marto shuruucda ku qeexan dastuurka wadanka u degsan ee kala caddeysay waajibaadka hay’adaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here