Garyaqaan Kenyaan ah oo isu dhiibay maxkamada ICC

Qareen u dashay Kenya oo lagu magacaabo Paul Gicheru ayaa isku dhiibay maamulka Netherlands shan sano kadib markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar qabasho ah oo ka dhan ah.
Waxaa lagu eedeeyay inuu farageliyay markhaatiyaasha.
Maxkammada ICC-da oo warbixin soo saartay maanta ayaa sheegtay in mr Gicheru looga shakisan yahay dambiyo ka dhan ah maamulka cadaaladda oo ka kooban musuqmaasuq saameyn ku leh markhaatiyaasha Maxkamadda.
Maxkamadu iyadoo adeegsanaysa howlaha diiwangalinta waxay u gudbisay dowlada Holland codsi wada shaqeyn ah oo ku saabsan soo qabashada iyo isdhiibista Mr Gicheru.
ICC waxay soo saartay amar qabasho ah oo ka dhan ah Mr Gicheru iyo Philip Kipkoech Bett 10-kii Maarso, 2015. Philip Kipkoech Bett ayaa hadda ku jirin gacanta ICC-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here