Gawaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo Baraawe lagu weeraray

Waxaa Saaka waabarigii hore qaraxyo laga maqlay Saldhiga Ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degmada Baraawe ee Xarunta Rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Wararka la helayo halkaas ayaa sheegaya in Gawaari kuwa Raaxada ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday Saldhiga Weyn ee Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha degmada Baraawe.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas,waxaana Baraha Wararkooda ay ku faafiyaan ku sheegeem in laba Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku weerareen Xeradaas khasaarena ay ku gaysteen sida ay daabaceen.
Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay inaysan wax qasaare ah oo nafeed qaraxyadaasi gaysan marka laga reebo in qayb Garoonka ka mid ah ay burburtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here