Giriigga oo doonaya in cunaqabateyn la saaro Turkiga

Ra’iisul wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay in loo baahan yahay in midowga Yurub oo cunaqabateyn ku soo rogo dowladda Turkiga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in tallaabadan lagu dhaqaaqo hadii xukuumada Ankara aysan hantideeda dhanka badda kala bixin meelaha lagu muransan tahay ee bariga badda Mediterranean-ka.
Hadalka mas’uulkan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay sare u sii kacayso xasaradda ka dhexeysa labada dal.
Turkiga iyo Giriigga oo laga cabsi qabo inay isku dhacyo dhex maraan ayaa sannado badan ku muransanaa gacan ku haynta goobaha shidaalka ee bariga Mediterranean-ka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here