Go’aan ay Dowlada Soomaaliya Soo saartay oo Maanta dhaqan Galaya

Maalma ka hor ayuu Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Saalad (Oomaar) waxaa uu ku dhawaaqay in 5-ta Bishaan oo Maanta ku beegan dib loo furayo duulimaadyada Gudaha ee dalka oo loo joojiyey sababo la xiriira ka hortagga Cudurka Coronavirus ee Saamaynta ku yeeshay dalka Soomaaliya iyo wado kale oo Caalamka ka tirsan.
Go’aanka ay waasaarada wassaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Axad ah uu Guud ahaan ka Dhaqan galo dalka Soomalaiya, iyadoo la xadiday duulimaadyada Gudaha dalka ee la fasaxay sababo la xiriira dadaalka ay dowladda Soomaaliya weli ugu jirto ka hortagga iyo Xakamaynta Cudurka COVID-19.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Saalad (Oomaar) ayaa sheegay in Maalin kasta loo qorsheeyay hal duulimaad oo gudaha dalka ah si taxadarka loo badiyo sidoo kalena dhawaan dib loo furi doono duulimaadyada Caalamiga ah ee wadanka Soomaaliya iyo wadamada kale ee Caalamka isku xiraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here