Go’aankii senatarka Kakamega looga eryay xisbiga ANC oo la buriyay

Xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday tallaabadii xisbiga ANC looga saaray senatarka dowlad deegaanka Kakamega, Cleophas Malala.
Ms. Ann Nderitu, oo ah madaxa xafiiskan ayaa dhinac isaga dhigtay codsi uga yimid ANC.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay inay heshay warqad ku taariikhaysan 26-kii bishii lixaad ee sannadkan taasoo ka socotay golaha qaran ee maamulo xisbiga.
Waxaa bayaanka lagu xusay in dib u eegis lagu sameeyay codsiga ANC kaddib aynan suurtagalin in lagu tallaabo qaado go’aankii ka dhanka ahaa Malala.
Cleophas Malala ayaa xisbiga laga eryay kaddib markii lagu eedeyay inuu jebiyay xeerarka u degsan.
Ms. Nderitu ayaa sheegtay in aan la adeegsan hab-raaca habboon sido kalena geedisocodka dhanka nidaamka aan lagu soo gabagabeyn xilligii loogu talagalay.
Bishii hore ayay ahayd markii golaha maamulo ANC uu soo afjaray xubinimadii senatar Malala kaddib go’aankii guddiga qaabilsan habdhaqanka uu senetarka ugu yeeray bishii 11-aad ee sannadkii hore si uu uga soo hormuuqdo oo su’aalo loo weydiiyo taasoo uu ku guuldareystay.
Mr. Cleophas Malala ayaa lagu eedeyay inuu 27-kii bishii Tobnaad ee 2019-kii isku soo bax siyaasadeed oo xisbiga ODM uu ku qabtay deegaanka Kibra ee magaalada Nairobi ka jeediyay hadalo loo arkay inay meel ka dhac ku ahayeen dastuurka xisbiga uu ka tirsan yahay ee uu hoggaamiyo Musalia Mudavadi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here