Go’anka skulada dalka dib loogu fuurayo oo madaxweynaha dalka ku xiran

Wasiirka wasaarada waxbarashada dalka Prof George Magoha ayaa sheegay in cida kaliya ee leh go’aaminta xiliga dugsiyada dalka dib loo furaya uu yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Magoha ayaa sido kale sheegay in skulada dib loo furaya marka sida ugu habbon loogu diyaargarobo lana meel dhigo amarada la xarira ka hortaga cudurka COVID-19
Wasiirka ayaa dhanka kale sharaxaad ka bixiyaay haddi tallaboyinka iyo u digargarowga la meel dhigo uu go’aanka iyo masuliyada albabaada loogu fuurayo in ka badan 100,000 skuul ay tahay mid ku xiran madaxweynaha.
Prof Magoha ayaa arrintaan sheegay xili uu koormeer ku sameeynayay heerka diyaargroowga ee machaadka tiknolajiyada ee Siaya, waxuu wasiirka intaas ku daray in caqaabada ugu weyn ee dowlada latacaaleyso ay tahay in la hubiyo tallaboyinka ka hor inta dugsiyada dalka dib loogu laabaan ama loo furin.
Wuxuuna sido kale kenyan-ka ka codsaday inay iska indhatiraan kuwa riixaya dib-u-furista iskuulada si ardayda loogu ogolaado inay u fariistaan imtixaanada shahadiga , isagoo sheegay in nolosha ardayda ay ka muhiimsantahay waxbarashada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here