Gobolka Tigre ee Itoobiya oo madaxweyne loo magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa madaxweyne ku meel gaar ah u magacaabay dowlad deegaanka gobolka waqooyi ee Tigreega .
Dr. Mulu Nega ayaa loo dhiibay xilkan waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad ku meel gaar ah.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twittarka ra’iisul wasaaraha.
Waxaa qoraalka ku xusan in go’aankan lagu saleeyay qaraarkii aqalka federaalka iyo amarkii golaha wasiirrada.
Abiy Axmad ayaa sheegay in Mulu Nega oo noqonaya madaxa fulinta ee dowlad deegaanka Tirgee uu soo xulan doono madaxda waaxyaha golaha fulinta uu ka soo saaraya xisbiyada siyaasadeed ee sida sharciga ah uga shaqeeya gobolkaas.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo gobolkan ay dowladda Itoobiya ka fulisay howlgallo militari sidoo kalena golaha xeer dejinta ee dalkaas uu dhawaan qaraar ku kala diray ismaamulka Tigreega.
Xildhibaanada ka tirsan Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 39 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here