Gobolka Victoria ee Australia oo laga xaqiijiyay 15 kiis oo coronavirus ah

Waxaa sare u sii kacday tirada xaaladaha fayraska corona ee laga diiwaangeliyay dalka Australia kaddib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gobolka Victoria laga xaqiijiyay 15 kiis oo cusub.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in sido kale hal qof oo dheeraad uu cudurka u dhintay.
15-ka kiis ayaa ah tiradii ugu badneyd ee maalinla ah shan cisho gudahood.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha dalka Australia cudurka COVID19 ugu dhimatay 895 qof halka kiisaska guud ee laga diiwaangeliyay ay yihiin ugu yaraan 27,100.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here