Gobolka waqooyiga Darfuur ee Suudaan oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay

Wakaaladda wararka ee SUNA ayaa ku warramaysa in gobolka waqooyiga Daarfuur ee dalka Suudaan looga dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Tani ayaa timid kaddib rabshado halkaas ka dhacay.
Howlgalka nabadsugidda ee midowga Afrika ee Daarfuur ee (UNAMID) ayaa sheegay inuu xubno u diray magaalada Kutum kaddib markii la soo tabiyay in dab la qabadsiiyay saldhig boolis iyo baabuur taasoo ay ka dambeyeen dibadbaxayaal in kastoo macluumaad dheeraad ah aan laga bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here