Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo diiday dalabkii Mareykanka ee ahaa in cunaqabateynta hubka ee Iiran la kordhiyo

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa si aqlabiyad leh u diiday dalabkii Mareykanka ee ahaa in cunaqabateynta hubka ee saaran Iiran in la kordhiyo.
Codbixinta oo xalay ka dhacday xarunta dhexe ee UNSC ee magaalada Washinton ayaa kaliya dalka Dominican Republic dalabka Maraykanka taageeray.
Kow iyo toban xubnood oo ka tirsan 15-ka xubnood, oo ay ku jiraan Faransiiska, Jarmalka iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa diiday.
Ruushka iyo Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeestay in la kordhiyo xayiraadda 13 sano hubka ee Iiran, kaas oo dhacayo 18-ka bisha Oktoobar ee sannadkan iyada oo la marayo heshiiskii Nuclear-ka ee 2015-kii ay kala saxiixdeen Iiran iyo lix quwadaha adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here