Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo amray in la joojiyo dagaallada

Golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa si aqlabiyad leh u ansaxiyay qaraar lagu dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro colaadda ka taagan qaar ka mid ah dalalka dunida.
Waxaa uu golaha UNSC ku talinaya in arrinkan lagu dhaqangeliyo ugu yaraan 90 cisho gudahood.
Dowladaha la doonayo inay soo afjaraan dagaallada ka jiro wadamadooda waxaa ka mid ah Suuriya , Yemen, Liibiya , Congo iyo Suudaanta Koonfureed.
Qaramada midoobay ayaa doonaysa in la helo xasilooni buuxda si loola tacaalo cudurka coronavirus ee caalamka saameynta ba’an ku yeeshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here