Golaha ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda Liibiya

Xubnaha golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa ee UNSC ayaa lagu wadaa inay maanta yeesheen kulan looga arrinsanayo xaaladda dalka Liibiya.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo weerar shalay lagu qaaday dugsi milatari lagu dilay in ka badan 30 halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sido kale kulanka golaha waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo dhanka kale dowladda Turkiga ay billowday inay ciidamo gayso Liibiya si loo taageero dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee uu fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ee GNA.
Kulanka uu yeelanayo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa yimid kaddib markii ay codsatay dowladda Ruushka.
Tan iyo bishii afaraad ee sannadkii hore waxay isku dhacyo u dhaxeeyeen ciidamada dowladda Liibiya iyo fallaagada uu hoggaamiyo Khalifa Haftar.
Maalinkii Jimacaha ee la soo dhaafay ayuu xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres uu mar kale ku baaqay in xabad joojin ay ka dhaqan gasho Liibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here