Golaha Ammaanka oo u codeeyay in laga hortaggo u dhoofinta Soomaaliya walxaha qarxa

Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa shalay u codeeyay in laga hortago iibinta ama u rarida Soomaaliya walxaha qarxa .
Waxaa sidoo kale dowladda dhexe Soomaaliya loogu baaqay inay sii wado la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee lacagaha sharci darrada ah ka qaada dadka taasoo khubarada Qaramada Midoobay ay ku qiyaaseen inay ka soo xarootay 21 milyan oo doolar sanadkii hore.
Qaraarka, oo lagu ansixiyay 13-0 oo ay u codeeyeen Ruushka iyo Shiinaha wuxuu mar kale xaqiijiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale qaraarkan uu mamnuucaya dib u iibinta ama wareejinta wixii hub ama qalab milatari ah ee la iibiyo ama la bixiyo si gacan looga geysto horumarinta Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliya .
Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan Soomaaliya iyo meelo ka baxsan, iyagoo sheegay in kooxdu “ay sii wadayso inay khatar weyn ku hayso nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka, gaar ahaan adeegsiga walxaha qarxa ee macmalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here