Golaha COG oo baaq u diray aqalka sare

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG ahna barasaabka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya ayaa xubnaha aqalka sare ugu baaqay inay berri kal-fadhiga gaarka ah ee ay yeelanayaan ka soo saaraan xal ay dani ugu jirto ismaamullada.
Xilli uu dhawaan warbaahinta kula hadlay hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayuu sheegay in ismaamullada ay u baahan yihiin dhaqaale dheeraad ah oo ay shacabka ugu adeegaan.
Wuxuu xusay inaynan ku filnayn lacagta loo qoondeeyay ee la doonaya inay qaybsadaan ee ah 316.5 bilyan oo shilin taasoo uu doonayo in la kordhiyo.
Mr. Oparanya ayaa senatarrada ka codsaday inay tixgeliyaan mooshin ay gudbisay Petronila Were oo aqalka sare si magacaabid ah ku gashay.
Waxay haweeneydan soo jeedisay in dib loo dhigo dhaqangelinta hannaanka dakhli qaybsiga ee uu soo saaray maamulka qoondeynta dhaqaalaha ee CRA ilaa iyo inta ay dowladda dhexe ismaamullada ugu wareejinayso 348 bilyan oo shilin oo ay si siman u qaybsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here