Golaha COG oo la filayo inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan sharci beddelka

Golaha ay ku mideysanyihiin guddoomiyaasha ismaamulada dalka ee COG ayaa lagu wadaa inuu shaaca ka qaado mowqifkiisa ku aaddan isbeddelada la doonayo in lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in mas’uuliyiinta dalladdan ay la kulmaan wakiilada golayaasha hoose ee dowlad deegaanada.
Kulankan ayaa ah mid looga arrinsanayo in la taageerayo guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta kenyanaka ee BBI ama ololaha uu wado hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ee lagu doonayo in lagu yareeyo tirada hoggaamiyaasha siyaasadeed gaar ahaan kuwa golayaasha sharci dejinta sida magacaabidda ah ku galay.
Ololaha loogu magacdaray Punguza Mzigo ayaa waxyaabaha lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in la kordhiyo kheyraadka loo qoondeeyo ismaamulada dalka.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo aan weli wax xal ah laga gaarin ismariwaaga dhanka qeybsashada dakhliga ee dowladda dhexe iyo dowlad deegaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here