Golaha deegaanka ee Minneapolis oo kala diraya booliska

Golaha deegaanka ee Minneapolis ayaa balan qaaday inay kala dirayaan waaxda booliska, arrintan oo lagu sheegay inay tahay tallaabo aad muhiim ugu ah dibad baxayada ka dhanka ah dilikii George Floyd.
Sagaal ka mid ah saddex iyo toban-ka golaha deegaanka ayaa sheegay inay soo dhisi doonaan hanaan cusub oo lagu ilaalinayo badqabka shacabka.
Booliska magaaladan ayaa lagu eedeeyay inay ku dhaqmaan cunsurnimo ka dhan ah dadka madoow.
Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa ka hor imaaday tallaabada lagu kala dirayo booliska waxayna ka carreeysiisay dadkii dhigayay banaan baxyada.
Dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay arintani kuna tilmaamay waa cusub.
Dilka George Floyd ayaa waxaa ka dhashay dibad baxyo ka dhacay guud ahaan Mareykanka oo looga soo hor jeeda cunsurinimo iyo xad gudubka booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here