Golaha diimaha dalka oo aruurinaya 300 oo milyan

Golaha ay ku mideysanyihiin mas’uuliyiinta diimaha kala duwan ee dalka ee (IRCK) ayaa billaabay olole lagu doonayo in lagu aruuriyo dhaqaale gaaraya 300 oo milyan oo shilin.
Lacagtan ayaa la doonaya in lagu taageero shacabka danyarta ah maadaama uu jiro culeys dad badan soo foodsaaray kaddib markii cudurka coronavirus lagu arkay gudaha wadanka.
Galinkii dambe ee shalay ayay wasaaradda caafimaadka sheegtay in 7 qof ay u dhinteen xanuunkan , 24 ay ka bogsadeen halka kiisaska la xiriira eel aga xaqiijiyay gudaha wadanka ay gaareen 191 .
Ololaha lacagta lagu aruurinayo ayaa loogu magacdaray ‘JALI’ oo loola jeedo u danee.
Guddoomiyaha golaha diimaha dalka Mr. Joseph Mutie ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in xilligan adag la isku gargaaro.
Waxaa uu xusay in iyadoo la kaasanaya ururrada rayidka, hay’adaha aan dowliga ahayn iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ay rajeynayaan inay barnaamijkan ku guulaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here