Golaha diimeed ee ka shaqeynaya dib u furka goobaha cibaadada oo si rasmi loo soo bandhigay

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’I iyo dhigiisa wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay xubnaha gole-diimeed oo iskudhaf oo dhawaan la magacaabay.
Golahan oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo xilsaaray ka shaqeynta qaabka habboon ee dib loogu furi karo masaajidda iyo kaniisadaha.
Goobahan oo ka mid ah meelaha ay dadweynaha isugu yimadaan ayaa horay loo xiray si looga hor tago faafitaanka fayraska corona.
Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa laga doonaya inay soo saaraan qorsho dhameystiran oo ku saabsan sida masaajidda iyo kaniisadaha ay ku shaqeyn karaan iyadoo dhanka kale aan cudurka la isku gudbin.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa hoosta ka xariiqay in golahan uu laga billaabo maanta si rasmi ah u guda galaya gudashada shaqooyinka loo igmaday si uu muddo saddex toddobaad gudihii warbixin ugu soo gudbiyo.
Warbixinta ayaa dib u eegis lagu sameynaya ka hor inta aan si buuxda loogu tallaaba qaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here