Golaha guddoomiyaasha ismaamullada oo cambaareeyay weerarkii Wajeer

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada 47-da dowlad deegaan ee dalka ayaa war saxaafadeed uu soo saaray si kulul ugu cambaareeyay weerarkii maalmo ka hor ka dhacay ismaamulka Wajeer.
Weerarkaasi ayuu golaha COG ku tilmaamay mid nasiib darro oo si wuxushnimo ah loo fuliyay.
Waxaa uu sido kale goluhu tacsi u diray qoysaska ay eheladooda halkaasi ku nafwaayeen.
Shacabka Wajeer ayaa dhanka kale loogu baaqay inay degganaansho iyo taxaddar muujiyaan.
Qoraalkan oo uu saxiixay guddoomiyaha COG ahna barasaabka ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka Wycliffe Ambetsa Oparanya ayaa sido kale lagu soo jeediyay in la xoojiyo midnimada ka dhexeysa Kenyaanka iyo dabar adeegga ka dhaka ah argagixisada.
Dowladda dhexe ayaa loogu baaqay inay si buuxda u sugto amniga dhammaan deegaannada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here