Golaha guddoomiyaasha ismaamullada oo maxkamadda tagaya

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysanyihiin hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ee CoG ahna barasaabka dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka Mr. Wycliffe Oparanya ayaa shaaca ka qaaday inay dhawaan maxkamadda tagayaan.
Shir jaraaid oo uu qabtay ayuu ka sheegay inay garsoorayaasha u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah go’aannada maxkamadeed ee barasaabyada qaar looga mamnuucay inay xafiisyadooda ka howlgalaan.
Guddoomiyaasha ay arrintan saameysay waxaa ka mid ah Mike Sonko oo hoggaamiyo dowlad deegaanka Nairobi, barasaabka Kiambu Ferdinand Waititu iyo dhiggiisa Samburu Moses Lenolkulal.
Mas’uuliyiintan ayaa dhammaantood lala xiriiriyay falalka musuqmaasuqa ee lagu lunsaday kheyraadka dadweynaha.
Mr. Oparanya ayaa sheegay inay faahfaahin ka bixin doonaan sababta ay uga soo horjeedaan amar 24-kii bishii toddobaad ee sannadkan ay soo saartay garsoore Mumbi Ngugi.
Amarkaasi ayaa ahaa in hoggaamiye kasta oo musuqmaasuq lagu eedeyo uunan iska xaadirin karin xafiiskiisa ilaa iyo inta dacwadda ka dhanka ah laga soo gabagabeynayo.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dhaqangelinta amarkan inay si gaar ah u saameynayso bixinta adeegyadii loo fidinayay shacabka sidaasi awgeed ay xoogga saarayaan sidii meesha looga saari lahaa.
Mike Sonko oo lala xariiriyay fadeexad la rumeysanyahay in lagu lunsaday 357.4 milyan oo shilin ayaa hadda bannaanka ku joogo damiin lacageed oo dhan 15 milyan oo shilinlka dalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here