Golaha hoose ee Kirinyaga oo la xiray

Waxaa albaabada la isugu dhuftay xarunta golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka.
Dhammaan wakiillada iyo shaqaalaha golahaas ayaa lagu amray inay si iskood ah isku karantiilaan kaddib markii ay soo baxday cabsi ah in cudurka COVID19 uu halkaas ku faafay.
Howlwadeenada baarlamaanka hoose ee Kirinyaga ayaa iskarantiilaya muddo 21 cisho ah ka hor inta aynan shaqooyinkooda dib ugu soo laaban 14-ka bisha sagalaad ee sannadkan.
Tallaabadan ayaa lagu xaqiijiyay warqad uu soo saaray karaaniga golaha hoose ee Kirinyaga Kamau Aidi kaddib wargelin uga timid guddoomiyaha xaruntaas Anthony Gathumbi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here