Golaha hoose ee Nairobi oo kalfadhiyadiisa hakiyay

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ,Beatrice Elachi ayaa muddo 30 cisho ah hakisay dhammaan fadhiyada guddiyada kala duwan.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo cudurka Coronavirus.
Mrs. Elachi ayaa sheegtay in laga billaabo maanta uunan wax fadhi ah jiri doonin.
Hasa ahaate kullamada gaarka ah hadii laga maarmi waayo waa la qabanaya.
Sido kale waxay mamnuucday safarrada dibadda ay ku tagayeen wakiiladda iyo dhammaan shaqaalaha golaha hoose ee caasimadda dalka.
Dhanka kale wakiillada wadanka ku soo laabtay 14k-kii maalmood ee la soo dhaafay ayaa laga doonaya inay is iskood ah isku karantiilaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here