Golaha hoose ee Nairobi oo maanta kal fadhi yeelanaya

Wakiillada deegaanada hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu wadaa inay maanta dib ugu soo laabtaan kal fadhiyadoodii caadiga ahaa si ay uga doodaan arrimo dhowr ah.
Qodobbada la filayo inay eegaan waxaa ka mid ah turxaan bixinta Anne Mwenda Kananu oo barasaabka caasimadda dalka Mike Sonko uu dhawaan u soo magacaabay inay ku xigeen u noqoto.
Sido kale waxaa dib u habeyn lagu sameyn doonaa guddiyada golaha hoose ee Nairobi.
Wakiilada ayuu qorshuhu yahay inay sido kale turxaan bixin ku sameeyaan laba wasiir oo uu Sonko soo magacaabay.
Waxaa qorshaha qeyb ah in la eego ansaxinta miisaaniyad dheeraad ah iyo sido kale in mar kale la soo hadal qaado mooshin siyaasiyiinta qaar ay doonayaan in xilka looga xayuubiyo guddoomiyaha Nairobi Mike Sonko oo wajahaya eedeymo la xiriira musuqmaasuqa.
11-kii bishii Diseembar ee sannadkii hore ayay ahayd markii xubnaha golaha hoose ee magaala madaxda wadanka ay fasax galeen waxayna dib isugu soo laabanayaan maanta oo talaado ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here