Golaha hoose ee Nakuru oo ka doodaya qoondeynta miisaaniyadda

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nakuru ayaa lagu wadaa inay toddobaadka dambe yeeshaan dood ku saabsan qoondeynta dhaqaale dheeraad ah oo garaaya 201 milyan oo shilin.
Waxaa hindise sharciyeedka arrinkan ku aaddan golaha u gudbiyay guddoomiye ku xigeenka ,Samuel Tonui.
Waa markii labaad oo hindise sharciyeed ku saabsan miisaaniyadda golaha hoose ee Nakuru loo gudbiyo miisaaniyad sannadeedkan dhexdiisa.
Guddoomiyaha guddiga miisaaniyadda ee ismaamulkaas Joel Karuri ayaa sheegay inay aad muhiim u tahay in dhaqaalahan la meel mariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here