Golaha imtixaanada qaran oo waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijadii 1,309 oo arday ah

Iyadoo shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijadii ka soo baxday imtixaanaadka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee sannadkan ee KCSE-da ayaa waxaa jiro ugu yaraan 1,309 arday ah oo ay natiijo la’aan ku dhacday.
Golaha imtixaanada qaran ee dalka ee KNEC ayaa arrintan u sababeeyay in ardaydan ay wax isdaba marino sameeyeen.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa carrabka ku dhuftay in tirada ardayda ee natiijada laga kansalay ay sannadkan yaraatay marka la barbardhigo 2018-kii oo ay ahayd 4,519 .
Waxyaabaha golaha KNEC uu go’aankiisa ku saleeyay waxaa ka mid ah in ardaydan lagu helay taleefoono ay la galeen gudaha xarunta imtixaanka , inay siteen dokumeentiyo aan loo oggolaan iyo arrimo kale.
Prof. Magoha ayaa sheegay in sannadkan intii ardayda ay sameynayeen imtixaanaadka shahaadiga ee KCSE-da la qabtay ku dhawaad 100 ka mid ah taleefoonada gacanta.
Xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji ee magaaladatani Nairobi ayuu wasiirku sheegay in hal xarun ah laga helay 35 taleefoono ah.
Ismaamulka Kisii waxaa gacanta lagu dhigay 10 qof oo iskudayay inay arday imtixaanaadka u sameeyaan.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sido kale sheegtay inaan weli la sii dayn natiijada 658 maadaama weli la xaqiijinayo macluumaadka saxda ah ee ay isku diiwaangeliyeen sida magacyada.
Prof. Magoha ayaa xusay in ardaydan ay natiijadooda heli doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan marka xaqiijinta socoto la dhameeyo.
Waxaa sannadkan imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare sameeyay in ka badan 699,000 oo arday ah.
Buundada ugu horreysa ee loo yaqaano A plain waxaa heshay arday dhan 627 halka sannadkii hore tiradaas ay ahayd 315.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here