Golaha kaniisadaha dalka oo ku baaqay in wada-hadal qaran laga yeesho BBI

Golaha ay ku mideysan yihiin kaniisadaha dalka ee (NCCK) ayaa soo jeediyay in la qabto wada-hadallo heer qaran ah oo ku saabsan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Mas’uuliyiinta golahan oo uu hor kacaya xoghayaha guud ee NCCK Canon Chris Kinyanjui ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Kenyaanka fursad loo siiyo in ay aragtidooda ku biiriyaan warbixinta ka hor inta aan afti la qaban.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in kaddib markii 26-kii bishii hore warbixinta BBI lagu soo bandhigay xarunta Bomas ee Nairobi siyaabo kala duwan looga falceliyay sidaas awgeedna la joogto xilligii mar kale laga wada hadli lahaa.
Sidoo kale waxaa goluhu uu soo dhaweeyay soo jeedinta warbixinta guddiga BBI ee ah in miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda dhexe siiso ismamullada ee hadda ah boqolkiiba 15 in laga dhigo 35 boqolkiiba.
Qodobka kale ee ay sheegeen inay taagerayaan ayaa ah in dalka uu lahaado ra’iisul wasaare iyo labo ku xigeen.
Mr.Kinyanjui ayaa dhanka kale dhammaan shacabka ku booriyay inay akhristaan oo ay fahmaan warbixinta BBI si ay ula socdaan isbeddellada dastuuriga ee wadanka ka dhacaya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kooxo kala duwan sida naafada , xoolo dhaqatada iyo qaar ka mid ah haweenka ay sheegayaan in aan danahooda si buuxda loogu tixgelin warbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here