Golaha KNEC oo dhib u dhigay qiimeyntiI ardayda fasallada 8-aad iyo 4–aad

Waxaa dib loo dhigay qiimeynti taclineed ee ardayda dhigta fasallada 8-aad iyo 4-aad ee dugsiga hoose dhexe oo lagu waday inay maanta billaabato.
Madaxa fulinta ee golaha imtixaanada qaran ee KNEC Dr. Mercy Karogo ayaa sheegtay in go’aanka dib loogu dhigay uu yimid iyadoo berrito ay tahay maalin qaran oo fasax ah islamarkaana loo dabbaaldeggaya maalinka qaran ee halyeeyada ee loo yaqaano Mashujaa Day.
Waxaana qorshuhu yahay in qiimeynta ay dhacdo maalinka Arbacda ee toddobaadkan taarikhduna tahay 21-ka Oktoobar waxaana la soo gabagabeynayaa 26-ka isla bishaan
Maalinka koowaad ayaa ardayda lagu qiimeyn doonaa maadada Ingiriisika iyo composition halka maalinka labaad lagu qiimeynaya culuunta Sayniska, Sawaaxiliga, iyo Insha.
Maalinka ugu dambeeyo ayaa ardayda waxaa lagu qiimeyn doona maadooyinka kala ah culuunta deegaanka iyo midda Diinta
Qiimeyntan ayaa looga gol leeyahay in lagu ogaado saameynta uu COVID-19 ku yeeshay waxbarashadooda muddo 7 bilood ee dugsiyada xirnaayeen .
Wareegto ka soo baxday guddiga golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa sidoo kale lagu xusay in qiimeynta ardayda fasallada kale la sameyn doono marka ay dib ugu laabtan goobahooda waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here