Golaha KNEC oo sheegay inusan shaacin tababaridda macallimiinta maamulaya imtixaanada qaran

Golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa qoraal uu dhawaan soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ku caddeeyay inuusan xayaysiin tababarro loo sameynaya barayaasha sannadka dambe maamuli doono imtixaanada shahaaddiga ah.
KNEC ayaa hoosta ka xarriiqay su’aalo badan arrinkan laga weydiiyay.
Hasa ahaate golaha ayaa maamulayaasha dugsiyada kala duwan iyo macallimiinta ku wargeliyay in aan weli la soo bandhigin qorshaha lagu tababarayo shakhsiyaadka sida dhow ula socon doono imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da, KCSE-da oo ay sameyaan ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare iyo imtixaanada kale ee loo yaqaano PTE, ECDE iyo DTE .
Toddobaadkan gudihiisa ayuu golaha KNEC sheegay in imtixaanka KCPE-da la sameyn doono laga billaabo 22-ka ilaa 24-ka bisha saddexaad ee sannadka 2021-ka.
Ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare ayaa KCSE-da u fariisan doono laga billaabo 26-ka bisha saddexaad ee Maarso wuxuuna imtixaankan soconayaan ku dhawaad hal bil.
Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee golaha KNEC Mercy Karogo ayaa sheegtay in cid kasta oo isku daydo in ay wax isdaba marin sameyso xilliga imtixaanka waxba kama jiraan laga soo qaadi doono natiijadeeda.
Ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo fasalka afaraad ee dugsaiyada sare ayay ugu baaqday in ay isku kalsoonaadaan oo aysan ku mashquulin helidda dokumeentiyada imtixaanka.
Mercy ayaa hoosta ka xarriiqday in hadii ardaygu imtixaanka oo aan la sameyn ka hor lagu arko waraaqadaha su’aalaha in la xiri karo muddo 10 sano ah ama la saaraya ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo shilin.
Golaha qaran ee imtixaanada ayaa sidoo kale xusay in ardayda laga doonayo inay fariistaan goobta ay maadooyinka kala duwan ku sameynayaan 15 daqiiqo ka hor inta aan imtixaanka la billaabin.
Sidoo kale waxaa mamnuuc ah in goobta imtixaanka lala galo taleefoonka gacanta iyo qalabka kale ee elektooroniga ah.
Waxaa sannadka 2021-ka imtixaannada qaran u fariisan doono arday dhan 1.9 milyan.
Waxay isugu jiraan 1.1 milyan oo isku diiwaangeliyay in ay sameyaan imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da iyo 751,150 oo sameyn doono KCSE-da.
Tirada ardayda ee u fariisanaya KCPE-da waxaa ku kordhay 104,061 marka loo barbardhigo sannadkii hore halka 53,928 oo dheeraad ah ay sannadkan sameynayaan imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in imtixaanka sannadkan la billaabo 27-kii bishii Oktoobar balse dib ayaa loo sii dhigay ilaa sannadka dambe kaddib markii cudurka COVID-19 uu saameeyay jadwalka howlaha waxbarashada ee dalka.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here