Golaha KNEC oo soo saaray jadwalka imtixaanada qaran

Golaha qaran ee imtixaanada ee KNEC ayaa shaaca ka qaaday in imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da la sameyn doono laga billaabo 22-ka ilaa 24-ka bisha saddexaad ee sannadka 2021-ka.
Ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare ayaa KCSE-da u fariisan doono laga billaabo 26-ka bisha saddexaad ee Maarso wuxuuna imtixaankan soconayaan ku dhawaad hal bil.
Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee golaha KNEC Mercy Karogo ayaa sheegtay in cid kasta oo isku daydo in ay wax isdaba marin sameyso xilliga imtixaanka waxba kama jiraan laga soo qaadi doono natiijadeeda.
Ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo fasalka afaraad ee dugsaiyada sare ayay ugu baaqday in ay isku kalsoonaadaan oo aysan ku mashquulin helidda dokumeentiyada imtixaanka.
Mercy ayaa hoosta ka xarriiqday in hadii ardaygu imtixaanka oo aan la sameyn ka hor lagu arko waraaqadaha su’aalaha in la xiri karo muddo 10 sano ah ama la saaraya ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo shilin.
Golaha qaran ee imtixaanada ayaa sidoo kale xusay in ardayda laga doonayo inay fariistaan goobta ay maadooyinka kala duwan ku sameynayaan 15 daqiiqo ka hor inta aan imtixaanka la billaabin.
Sidoo kale waxaa mamnuuc ah in goobta imtixaanka lala galo taleefoonka gacanta iyo qalabka kale ee elektooroniga ah.
Waxaa sannadkan 2022-ka imtixaannada qaran u fariisan doono arday dhan 1.9 milyan.
Waxay isugu jiraan 1.1 milyan oo isku diiwaangeliyay in ay sameyaan imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da iyo 751,150 oo sameyn doono KCSE-da.
Tirada ardayda ee u fariisanaya KCPE-da waxaa ka kordhay 104,061 marka loo barbardhigo sannadkii hore halka 53,928 oo dheeraad ah ay sannadkan sameynayaan imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in imtixaanka sannadkan la billaano 27-kii bishii Oktoobar balse dib ayaa loo sii dhigay ilaa sannadka dambe kaddib markii cudurka COVID-19 uu saameeyay jadwalka howlaha waxbarashada ee dalka.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu shaaciyay in fasallada kale ee dugsiyada dalka dib loo furi doono 4-ta bisha koowaad ee sannadka 2021-ka.
Sidoo kale waxaa taariikhdan la furayaa dugsiyada heerka caalamiga ee loo yaqaano International schools.
12-kii bishii hore ayay ahayd markii ardayda fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay dib u billowdeen casharadooda.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in xarumaha waxbarashada marka la furo horraanta bisha Jannaayo ee sannadka dambe ay shaqeyn doonaan ilaa 19-ka bisha saddexaad ee Maarso oo la xiri doono muddo 7 isbuuc ah.
Inta ay ardayda fasax yihiin waxaa la sameynaya imtixaannada qaran ee KCPE-da iyo KCSE-da oo imtixaannada mudadan gudaheeda lagu sixi doono.
Wasiirka ayaa xusay in dhammaan ardayda hadda xaafadaha ku sugan ay xilligaas dugsiyada tagi doonaan sidaas awgeedna waalidiinta laga doonayo inay u diyaar garoobaan.
Magoha ayaa intaa ku daray in carruurta ay da’doodu tahay 4 sano ay bisha toddobaad ee sannadka dambe ku biirayaan heerka ugu hooseeya waxbarashada ee PP1 .
Ardayda hadda dhigata fasalka afaraad ee dugsiyada hoose dhexe ayaa bisha toddobaad ee sannadka 2021-ka u gudbi doono fasalka shanaad waxayna xarumaha waxbarashada iska xaadirin doonaan 26-ka bisha July.
Prof. George Magoha oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in marka ay ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare dib ugu laabtaan iskuulada bisha koowaad ee sannadka cusub loo tixgalinayo sida xilli dugsiyedka labaad ee waxbarashada.
Wasiirka ayaa shacabka u xaqiijiyay in dowladda ay ka go’an tahay sidii howlaha tacliinta ay si habsami leh ugu socon lahayeen.
Bartamihi bishii saddexaad ee sannadkan ayey ahayd markii dhamaan goobaha waxbarashada irdaha la isugu laabay kaddib markii kiiski ugu horeeyay cudurka Covid-19 dalka laga xaqiijiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here