Golaha militariga suudaan oo hakiyay wada hadalada kala dhexeya dibadbaxayaasha

Golaha militariga ee ku meel gaarka ah ee dalka Suudaan ayaa ugu yaraan 72 saacadood hakad geliyay wada hadaladii kala dhexeyay dadka dibadbaxyada samaynaya.
Ugu yaraan 14 qof ayay dhaawacyo soo gaareen kaddib markii ciidamada ay rasaas fureen iyagoo doonaya inay bartamaha caasimadda wadankaasi ee Khartoum ka saaraan dibadbaxayaal isugu soo baxay.
Arrimahan ayaa imaanaya hal maalin un kaddib markii golaha iyo shacabka dibadbaxyada dhigayay bilooyinkii ugu dambeeyay ay ku heshiiyeen in la soo dhiso dowlad ku meel gaar ah oo shaqayn doonto muddo saddex sano ah.
Jeneraal sare oo lagu magacaabo Yasser al-Atta oo xubin ka ah golaha militariga ku meel gaarka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay heshiiska la gaaray.
Dadka mudaharaadyada samaynaya ayaa doonaya in talada loo gacan galiyo maamul dadweynaha matalaya.
Horraantii toddobaadkan ayay wada hadalada laba dhinac ee uu hadda hakadka ku yimid dib u bilowdeen in kastoo ay hareyeen rabshado ay ku dhinteen ilaa 6 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here