Golaha nabadda iyo amniga midowga Africa oo ku baaqay Kenya iyo Somalia inay xaliyaan khilaafkooda badda

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa u sheegay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki inuu dib u soo nooleeyo xiriirkii u dhexeeyey Kenya iyo Soomaaliya si loo xalliyo muranka badda ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.
Wakiilka Joogtada ah ee Kenya Midowga Afrika, Amb Catherine Mwangi, iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, waxay sheegeen in khilaafka dhanka badda Kenya iyo Somalia uu khatar ku yahay xirirka dibloomaasiyadeed ee labada dal.
Golaha nabadda iyo amniga midowga Africa ayaa ku booriyay Kenya iyo Somalia inay ka fogaadaan ficil kasta oo xumeyn kara xirirkooda soo jireenka ahaa.
Xalay ayay ahayd markii Maxkamadda Adduunka Ee ICJ ay Laba Bilood dib u dhigtey dhageysiga Dacwada Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Kenya ayaa horey u dalbatey in 12 bilood dib loo dhigo balse maxkamadda ayaa sheegtay in 2 bilood dib loo dhigey.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ay tixgalin doonto soo jeedinta dowladda dalkani Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here