Golaha qaran ee amniga oo ka shiray Coronavirus

Golaha qaran ee amniga ayaa saaka yeeshay kulan degdeg ah halkaas oo uu kula wareegay warbixin.
Waxaa warbixinta soo saaray guddiga qaran ee loo magacaabay inuu si degdeg ah uga falceliyo cudurka COVID19 ee uu sababo firuusiga Coronavirus.
Kaddib kulanka, waxaa uu goluhu go’aan ku gaaray sido kalena amray arrimahan:
1. In dhammaan kaabayaasha amniga dalka la isku dubarido si loo taageero guddiga qaran ee caabuqa ka falcelinaya iyo sido kale tixgelinta tallaabooyinka lagu dhawaaqay.
2.Waxaa qaab qandaraas ah lagu shaqaaleysiinaya howlwadeeno caafimaad oo dheeraad ah si ay gacan uga gaystaan kormeerka iyo hadii cudur sidaha uu sii faafo.
3.Dhammaan saraakiisha dhanka maamulka ee dowladda laga soo billaabo heerka ugu sareeya ilaa iyo tuulooyinka waa inay si buuxda u dhaqangeliyaan amarrada la soo saaray sida in la sii wado wacyigelinta dadweynaha gaar ahaan kaalinta kaga aaddan nadaafadda , inaan la ogolaan isku imaatinka waweyn ee dadweynaha sido kalena dabagalka iyo kormeerrada la sameynayo ay sii jiraan.
Ugu dambeyn golaha qaran ee ammaanka ayaa sheegay in dowladda ay sameynayso wax kasta oo la awoodo si qaabka ku habboon loola tacaalo cudurka COVID19.
Kenyaanka ayaa lagu booriyay inay howlo maalmeedkooda caadiga ah wataan balse ay feejignaadaan oo ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan nadaafadda iyo badqabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here