Golaha qaran ee waxgaradka oo ku baaqay in si siman loo qaybsado dhaqaalaha

Golaha qaran ee waxgaradka ayaa soo jeediyay in lagu dadaalo sidii ismaamullada wadanka ay si siman ugu qaybsan lahayeen dakhliga.
Waxay xubnaha golahan ka soo hor jeesteen nidaamka saddexaad ee qaybsiga dhaqaalaha.
Nidaamkan ayaa ku talinaya in dowlad deegaannada dalka ay dakhliga ku qaybsadaan tirada dadweynaha ee ismaamul kasta ku nool.
Waxgaradka ayaa guddiga qoondeynta dakhliga ee (CRA) ugu baaqay inuu dib u eegis ku sameeyo hannaanka uu soo jeediyay ee muranka dhaliyay.
Guddoomiyaha golaha odayaasha ee dalka Mr. Phares Rutere ayaa sheegay in hadii nidaamka la isku hayo la dhaqangeliyo ay dhaqaale ku luminayaan ismaamullada aynan badneyn dadka ku nool.
Wuxuu xusay in tani ay ka soo horjeeddo qorshaha dowlad wadaajinta oo ah in dhammaan deegaannada wadanka laga sameeyo horumar siman.
Guddoga CRA nidaamka uu soo saaray ayaa horseedaya in 28 ismaamul oo ay dad badan ku nool yihiin ay helaan dhaqaale dheeraad ah halka 19 dowlad deegaan oo ay saboolnimada ku badan tahay ay lacago lumiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here