Golaha shacabka Soomaaliya oo codka kalsoonida u qaadaya xukuumadda magacaaban

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24/10/2020 lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa.
Ajandaha Kulanka maanta ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumadda.
19-kii Bishaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu Magacaabay golihiisa Wasiirada, kuwaas oo hadii la ansixiyo aan waqti badan u heysan inay Shaqada laga sugayo qabtaan, maadaama waqtiga xilheynta Hay’adaha dowladda uu yahay geb-gabo lana gelayo doorashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here