Golaha SUPKEM oo ka soo horjeestay warbixinta BBI

Golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM ayaa sheegay inuusan taagersaneyn qodobbada ku xusan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Guddoomiyaha SUPKEM Xassan Ole Naado ayaa hoosta ka xarriiqay in soo jeedinnada BBI ay badankoodu saameyn ku yeelanayaan dastuurka wadanka u degsan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qodobbada la soo jeediyay ay meesha ka saarayaan faa’iidooyinkii laga dhaxlay dastuurka hadda la isticmaalo ee ku saleysan nidaamka dowlad wadaajinta.
Mr. Ole Naado ayaa sheegay inaynan Kenyaanka wax faa’iido ah ugu jirin ololaha lagu doonayo in lagu beddelo sharciga dalka.
Guddiga BBI ayay xubnaha SUPKEM ugu baaqeen in ay dib u eegis ku sameyaan warbixinta.
Sidoo kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayay ka dalbadeen inay joojiyaan geedisocod kasta oo la xiriira sharci beddelka.
Mas’uuliyiinta golaha sare ee muslimiinta dalka ayaa caddeeyay in xilligan Kenya aynan awood dhaqaale u lahayn in la qabto afti lagu beddelaya dastuurka sidoo kalena aysan jirin baahi sababaysa in waqti xaadirkan sharciga wax laga beddelo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here