Golaha warbaahinta dalka oo cambaareeyay xarig Embu loogu gaystay saddex suxufi

Golaha maamulo warbaahinta dalka ee MCK ayaa cambaareeyay tallaabo dhawaan lagu xiray saddex ka mid ah wariyayaasha dalka oo ka dhacday ismaamulka Embu.
MCK ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in sido kale suxufiyiinta la dhibaateeyay.
Wariyaasha ay arrintan saameysay ayaa rabinayay wararka dibadbaxyo ka dhacay degmada Makima ee deegaanka Koonfurta Mbeere .
Guddoomiyaha golahan Mr. Maina Muiruri ayaa sheegay in kiisaska la xiriira wariyaasha la xiro sido kalena booliska lagu eedeyo inay dhibaateeyaan iyagoo waajibaadkooda gudanaya ay noqdeen kuwo walaac laga muujiyo.
Mr. Maina ayaa xusay in tani ay caqabad ku tahay gudashada mas’uuliyadda wariyanimo ee ah in shacabka loo gudbiyo xogta saxda ah ee ay u baahan yihiin.
MCK ayaa wariyaasha la xiray in kastoo markii dambe la soo siidaayay magacyadooda ku kala sheegtay Solomon Mwaniki, Peter Mungai iyo Brian Musyoka.
Golaha warbaahinta dalka ayaa ciidamada booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda dastuuriga ee wariyaasha.
Sido kale taliyaha booliska ee gobolka bartamaha dalka ayaa laga dalbaday inuu baaritaano ku sameeyo dhacdadaas si cidii xadgudub ku kacday loola xisaabtamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here