Golaha wasiirada dalka oo uu maanta fasax u billaabanaya

Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqan galaya amar sabtidiii ka soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ahaa in dhammaan wasiirada loo diray fasax shaqo oo 14 cisho ah.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo la saadaalinaya in hoggaamiyaha dalka uu isku shaandheyn ku sameyn doono golihiisa wasiirada.
Wasiirada, xoghayayaasha dhanka maamulka ee wasaaradaha, xoghayayaasha joogtada ah iyo xeer ilaaliyaha guud ayaa kaliya ka qayb gali doono ama ka jawaabi karo xaaladaha deg dega xilligan ay fasaxa ku jiraan.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua ayaa maalmo ka hor arrinkan shaaca kaga qaaday bayaan uu soo saaray.
Bishii koowaad ee sannadkan ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa uuna xilligaas xilka ka qaaday wasiirkii beeraha Mr. Mwangi Kiunjuri.
Peter Munya oo ahaa wasiirkii ganacsiga ayaa la wareegay xilkii Mwangi Kiunjuri.
Ukur Yatani oo si ku meel gaar ah u sii hayay xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda kaddib markii Henry Rotich musuqmaasuq lala xiriiriyay ayaa hadda ah wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka.
Wasiirraddii gaashaandhigga ama difaaca Rachel Omamo ayaa loo wareejiyay dhanka arrimaha dibadda waxaana xilkeeda la wareegtay Dr. Monica Juma
Sicily Kariuki oo ahayd wasiiradii caafimaadka ayaa loo wareejiyay dhanka biyaha iyo waraabka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa billowgii sannadkan wasiirka wasaaradda caafimaadka u magacaabay Mutahi Kagwe oo horay u soo noqday senetarka ismaamulka Nyeri halka Betty Maina laga dhigay wasiiradda wasaaradda ganacsiga.
Joseph Kinyua ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku sheegay in fasaxa ay aadayaan wasiirrada uu ku egyahay 28-ka bishan sideedaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here