Golaha wasiirada ee dalka oo go’aan ka soo saaray carruurta la korsado

Golaha wasiirada ee dalka ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo ka dhacay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House , magaaladatani Nairobi.
Shirkaasi waxaa guddoominayay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta waxaana sido kale ka qeyb galay ku xigeenkiisa William Ruto.
Madaxtooyada State House ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha rasmiga ee ay ku leedahay Facebook-ga iyo Twitarka waxay ku sheegtay in wasiirada ay soo saareen go’aan ah inay mamnuuc tahay in qof ajnabi ah uu korsado canug u dhashay wadanka.
Sido kale wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ayaa lagu amray inay la timaado sharci cusub oo lagu xakameynayo in qofku uu korsado canug uunan dhalin gaar ahaan marka uusan muwaadin ahayn shakhsigaasi.
Waxaa wasaaraddu dhanka kale looga fadhiyaa inay dib u habeyn ku sameyso howlaha ururka dalka u qaabilsan daryeelka carruurta iyo sido kale xarumaha dhallaanka lagu xannaaneeyo.
Fadhigaasi ayaa lagu ansaxiyay 6.9 bilyan oo lagu dhisayo goob lagu keydiyo konteeynarrada sida badeecooyinka kala duwan.
Golaha wasiirada ayaa ansaxiyay in magaaladatani Nairobi lagu qabto shirka 25-aad ee caalamiga ee ku saabsan horumarka iyo tirada dadweynaha ee (ICPD 25).
Shirkan ayaa la qorsheeyay inuu dhaco inta u dhexeysa 12- 14-ka bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan waxaana ka soo qeyb galaya in ka badan 6,000 oo ah wufuud ka kala socoto 179 wadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here