Golaha wasiirada oo ansaxiyay soo dhisidda guddi qaabilsan u hoggaansanka amarrada dowladda

Golaha wasiirada ee dalka ayaa ansaxiyay qorsho lagu soo dhisaya guddi dabagal ku sameyn doono ilaalinta nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo.
Waxay wasiirada walaac ka muujiyeen in muddo hal bil gudaheed ay kordheen hadalladda iyo falalka siyaasadda ku saleysan.
Qorshaha ay qalinka ku duugeen ayaa waxaa soo saaray guddiga qaran ee bixiya talooyinka dhanka amniga.
Ujeedada laga leeyahay meel marinta nidaamkan ayaa ah in laga hor tago rabshado dheeraad ah kaddib kuwii ka dhacay ismaamulka Murang’a ee ay labo qof ku dhinteen.
Qof kasta oo qabanqaabinaya isku soo bax dadweyne ayaa la doonaya inuu saraakiisha amniga ee deegaanka ku wargeliyo ugu yaraan saddex maalmood ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here