Golaha Wasiirada oo ansixiyay dib-u-eegis lagu sameeyay Sharci muhiim ah

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka.
Ujeedda sharcigaan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.
Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay 30-kii bishii Afaraad ee sannadkii 1975.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka.
Waxaa sido kale kal fadhiga lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiis is-dhaafsi xarumo Dibloomaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here