Golaha Wasiirada Puntland oo shir xasaasi ah yeeshay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Puntland oo ku qabsoomay Aalada maqalka iyo muuqaalka la isaga arko ee (Zoom).
Shirka Golaha Wasiirada waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Covid-19, Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland iyo nabadeynta beelaha.
Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Puntland ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Amniga guud ee Puntland oo wanaagsan, iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug iyo qorshaha tayeynta ciidamada ee ka socda Gobolka Mudug.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Covid-19 ee Puntland, waxay Wasaaradu sheegtay in uu jiro hoos u dhac dhinaca kiisaska ah, Wasaaradda ayaa soo jeedisay in weli loo baahanyahay in ay sii jirto xaaladda feejignaanta ah oo bulshadu is illaaliso iyagoo raacaya talooyinka caafimaad.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland waxay Golaha la wadaagtay diyaar-garowga ugu danbeeyay Imtixanaadka oo ardeydu u fariisan doonto subaxda sabtida 04 Luulyo 2020. Ardeyda Imtixaanka waxaa u fariisan doona 16,500 oo ardey, 5,447 ardey waa Dugsiga Sare halka 11,053 ardey ay u fariisan doonaan Imtixaanka fasalka 8-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here