Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Gudbinaya sharci Muhiim ah

Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dhameystirto tarjumaadda Xeerka Gaadiidka Badda (Somali Shipping Code) ayna meel-Mariso Sharciyada kala ah SOLAS &MARPOL kuwasoo muhiim u ah Ganacsiga iyo Badqabka Badmaridda iyo ka hortaga Wasakheynta Biyaha Soomaaliya.
Sharcigaan oo ku qornaa luqadda English -ka ayaa Wasaaraddu sheegtay in loo turjumay luqadda Soomaaliga, ayadoo la rajeynayo in dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumada la mariyo si uu u noqdo sharci dalka ka dhaqan gala oo laga adeegsado.
Shir lagu soo bandhigayay Xeerka Gaadiidka Badda oo Maanta lagu qabtey Magaalada muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dowlada Soomaaliya Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac,xubno ka socday labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee UNSOM,EUCAP iyo IMO waxaana looga hadlay muhiimada sharcigaan uu dalka u leeyahay iyo la falgalka hay’adaha kala duwan ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here