Golaha wasiirada Suudaan oo la magacaabay

Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Hamdok ayaa soo bandhigay golihiisa wasiirada tan iyo markii bishii afaraad ee sannadkan hoggaanka laga tuuray madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir.
Suudaan ayaa waxaa tan iyo xilligaasi ka taagnaa dibadbaxyo ay shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku dalbanayeen in talada laga wareejiyo golaha ku meel gaarka ah ee milatariga kaddibna loo gacan geliyo maamul shacabka matalaya .
Hasa ahaate toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa jirtay xasilooni kaddib markii labada dhinac ay heshiis gaareen .
Golaha wasiirada ayaa ah kooban 18 xubnood waxaana ka mid ah haween .
Waxaa markii ugu horreeysay taariikhda dalkaasi wasaaradda arrimaha dibadda hoggaamin doonto Asma Maxamad Cabdalla.
Mr.Hamdok ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in Suudaan ay galayso marxalad cusub.
Waxaa hadda wadankaasi ka talinaysa dowlad ku meel gaar ah si dagaalada loo soo afjaro sido kalena Suudaan loogu soo dabaalo xasilooni buuxda.
Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha ayaa loo magacaabay Ibrahim Axmed El-Badawi ,Jamal Cumar- wasiirka difaaca, as defence halka wasiirka arrimaha gudaha laga dhigay El-Trafi Idris Dafallah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here