Golaha wasiiradda Burundi oo yeeshay kulan degdeg ah

Golaha wasiiradda ee dalka Burundi ayaa isugu yimaaday kulan degdeg ah maanta ka dib geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid madaxweyne Pierre Nkurunziza.
Nkurunziza oo geeriyooday Talaadadii ayaa ahaa 55 jir waxaana lagu waday in uu xilka ka dego bisha Agoosto ka dib doorasho la qabtay bishii hore oo uu ku guuleeystay musharaxa xisbigiisa.
Waxaa uu xilka qabty sannadkii 2005-tii ka dib dagaal culus oo ka dhacay dalkaasi.
Dawladda ayaa isugu yeertay kulanka degdega ee wasiiradda si loo go’aamiyo tallaabada xigta ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here