Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay guddiga farsamada habsami u socodka doorashooyinka

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalkaasi.
Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xubnood oo lix ka mid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya.
Xukuumadda ayaa fartay xubnaha guddiga in shaqada loo igmaday ay si degdeg ah u guda galaan si looga mira dhaliyo dadaallada doorashooyinka qaranka.
Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here