Golaha wasiirrada oo ansaxiyay xuska maalinka qaran ee dhaqanka

Golaha wasiirada ee dalka ayaa ansaxiyay in 26-ka bisha 12-aad sannad kasta gudaha wadanka looga dabbaal dego maalinka qaran ee dhaqanka ee Utamaduni Day.
Waxay sido kale wasiirrada beddeleen magaca maalinka Moi Day oo horay dalka looga dabbaal degi jiray 10-ka bisha Tobnaad ee Oktoobar waxaana loogu magac daray Huduma Day oo ay micnaheedu tahay maalinka adeegga.
Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.
In Kenya ay lahaato maalin qaran oo ay maamuusto dhaqammada qowmiyadaha kala duwan ee ku nool waxay ka mid ahayd waxyaabihii lagu soo jeediyay warbixintii guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Warbixintan ayaa Kenyaanka lagula wadaagay xarunta Bomas ee magaaladatani Nairobi 27-kii bishii hore iyadoo ilaa iyo hadda aan weli la isla meel dhigin qaabka loo dhaqangelinayo qodobbada ku xusan.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in xuska Utamaduni Day ay bulshooyinka Kenyaanka ah fursad u siin doonto inay isku yimaadaan oo ay soo bandhigaan dhaqammadooda.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay ku faanaan dhaqanka Afrikaanka oo ayna isleheysiiyaan xuska maalinka Utamaduni Day.
Maalinkii warbixinta BBI la soo bandhigayay ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta sheegay inuunan fahmi karin sababta 26-ka Diseembar loogu dabbaal dego maalinka feerka ama Boxing Day.
Mr. Kenyatta ayaa xuskaas ku tilmaamay fasax reer galbeed sidaas awgeedna uu soo dhaweynayo soo jeedinta ah inay jirto maalinka qaran ee dhaqanka taasoo hadda la ansaxiyay.
Cod
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in isbeddelka lagu sameeyay Moi Day ay tahay mid ku saleysan sida madaxweynihii labaad ee wadanka Daniel Arap Moi uu u jeclaa in Kenya ay mar un lahaato maalin ay xusto u adeegidda bulshada.
Isbeddeladan cusub ayaa ku qeexan sharciga Public Holidays Act (Cap 109) waxayna si rasmi ah u dhaqangalayaan kaddib marka baarlamaanka uu meel mariyo.
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa sido kale ansaxiyay in la soo dhiso guddi isku dhaf ah oo xaqiijinaya in muddo hal bil gudaheed ah dowladda ay ku bixiso lacago horay loogu yeeshay oo dhan 40 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here