Goobaha cibaadada oo si tartiib ah loo furaya

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa amray in goobaha cibaadada sida masaajidda iyo kaniisadaha si tartiib ah loo furo.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in tani lagu dhaqaaqaya oo keliya marka si buuxda loogu wada hoggaansamo shuruudo la soo jeediyay.
Boqol qof oo keliya ayaa loo ogolyahay inay goobta cibaadada ku sugnaadaan.
Dadkan ayaan goobta ku sugnaan karin wax ka badan hal saac waxaana sido kale sii xirnaanaya madaariista.
Madaxweynaha ayaa sheegay in gole-diimeed iskudhaf ah uu shacabka la wadaagi doono qodobbada lagu saleynaya dib u furka goobaha cibaadada oo faahfaahsan.
Golahan ayaa 18 maalmood kaddib maanta warbixin ku wareejiyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo dhigiisa caafimaadka Mr.Mutahi Kagwe taasoo madaxweynaha loo sii gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here